Guddoomiyaha guddiga xaafadda Islii (Eastleigh) ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya, Xuseen Maxamed Aar ayaa sheegay inuu hoos u dhac ku yimid ganacsiga xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.
Xuseen Aar ayaa arrintan sabab uga dhigay howlgallada bilihii u dambeeyay ay ciidanka Kenya ka sameeyeen xaafadda Islii (Eastleigh) ay sida weyn u degto Soomaalida ee Islii.
Guddoomiyaha ayaa hadalkan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu maanta siiyay Radio Bar-kulan, xilli uu Soomaalida Nairobi u dirayay hambalyo ku aadan munaasabadda ciidul fitriga.
Xuseen ayaa guud ahaan Soomaalida meel kasta oo ay joogaan u rajeeyay nabad iyo baraare, isagoo xusay inay farxad u tahay in khalaaf la’aan ay wada ciidaan umadda Soomaalida.
Bar-kulan