Guddoomiyaha guddiga fulinta maamulka Ahlu sunna ee gobollada dhexe Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali Mire (Al-Ashcari), ayaa sheegay in golahu ay ka soo horjeedaan heshiiskii arbacadi lagu gaaray magaalada Muqdisho kaasoo maamul mideysan loogu samaynayo gobollada Galgaduud iyo Mudug.
Al-Ashacari oo maanta la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in qodobbada lagu heshiiyay aysan khuseyn Alhusunnada gobollada dhexe, isla markaana aysan matalin xubnaha Ahlu sunna u saxiixay heshiiskaas.
Wuxuu tilmaamay in guddiga fulinta uu yahay cidda go’aan ka gaari karta arrimaha la xiriira saxiixa heshiisyada Ahlu sunna.
Heshiiska Arbacadii lagu gaaray magaalada Muqdisho ee maamul mideysan loogu samaynayo gobollada Galgaduud iyo Mudug waxaa maamulka Ahlu sunna u saxiixay guddoomiyaha saddexda gole ee Ahlu sunnada gobollada dhexe Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye.
Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa horay u diiday heshiiska lagu saxiixday Muqdisho ee hal maamul loogu sameynayo gobollada Galgaduud iyo Mudug.
Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Ximan iyo Xeeb, Cabdi Maxamed Axmed Nuur oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay in heshiiskaas aysan u dhameyn dadkii xal ka gaari lahaa hirgelinta maamul ay wada dhistaan gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Bar-Kulan