Xildhibaan Goor dhow lagu dilay Magaalada Muqdisho

0
813

TargetingAssasinationKooxo Hubeysan ayaa Goor dhow Magaalada Muqdisho waxa ay ku dilen Xildhiabaan ka tirsanaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dableey Hubeysan ayaa waxa ay toogteen Sheekh Aadan Max’ed Madeer oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya xilli uu salaada Jimco ku soo tukaday Masjidka Marwaaz ee Degmada X/weyne.

Kooxihii dilka Xildhibaankaas ka dambeeyay oo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa Goobta isaga baxsaday.

Sheekh Aadan Max’ed Madeer ayaa mar soo ahaa Wasiiru dowlihii Wasaaradda Maaliyadda Xukuumaddii Bad baado qaran ee Ra’iisul Wasaaraha uu ka ahaa c/weli Max’ed Cali Gaas.

Sidoo kale Sheekh Aadan Madeer ayaa Wasiir ka soo noqday Xukuumadihii KMG ah qaarkood.

 

Shabelle