Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay raysul wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali

0
885

XildhibaanadaBarlamaanka20141124Kulanka ansixinta raysul wasaaraha oo ka dhacay xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa ka qeyb-galay 224 mudane, waxaana shir guddoominayay afhayeenka baarlamaanka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

218 xildhibaanno ayaa codka kalsoonida siiyay raysul wasaaraha, lix ayaa ka aamustay.

Madaxweynaha Soomaaliya, raysul wasaaraha iyo afhayeenka baarlamaanka ayaa halkaasi ka hadlay, waxayna uga mahad-celiyeen mudanayaasha baarlamaanka ansixinta raysul wasaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cumar Cabdirashiid u magacaabay raysul wasaare 17-kii December, 2014.