Booliska Kenya oo magacaabay labo nin oo aragagisannimo ku eedeysan

0
887

KenyaArgagixisoBooliska Kenya ayaa magacaabay labo ka tirsan saraakiisha Al-Shabaab ee dhalasho ahaan ka soo jeeda Kenya, kuwaas oo ay ku eedeeyeen weerarradii ka dhacay Mandera ee lagu dilay 64 qof.

Booliska ayaa sheegay in raggaas ay kala yihiin Maxamed Kuno iyo Maxamed Iman, waxaana looga shakisan yahay in ay ku dhuumaaleysanayaan gudaha Kenya.

Shacabka Kenya ayuu boolisku ka codsaday in ay ku soo wargeliyaan hay’adaha ammaanka haddii ay hayaan macluumaad ku saabsan raggaas.

Maxamed Kuno oo ah S0omaali-Kenyaan ka soo jeeda magaalada Gaarisa ayaa kooxda Al-Shabaab wuxuu u qaabilsan yahay howlgallada Jubbooyinka.

Kuno ayaa waxaa lagu eedeynayaa inuu yahay isku xiraha Al-Shabaab ee gudaha Kenya, gaar ahaan xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab, wuxuuna sheegtay mas’uuliyada weerarkii lagu dilay sanadkan 28 qof oo saarnaa bas marayay meel u dhow magaalada Mandera.

Maxamed Iman oo ah ninka labaad ayaa waxaa lagu eedeynayaa inuu qeyb ka ahaa weerarrada argagixiso ee ka dhacay gudaha dalka Kenya.

Bar-kulan