Cali Dheere “Weerarkii Xalane wuxuu aar-gud u ahaa dilkii Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab

0
1018

ShabaalCaliDheereAfhayeenka Guud ee Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raagge oo xalay la hadlay warbaahinta afka Shabaab ku hadasha ayaa ka hadlay weerarkii shalay lagu qaaday xerada Xalane oo ah Taliska ugu weyn ee Ciidamada AMISOM.

Cali Dheere ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen waxa uu ugu yeeray xarunta sharta ugu weyneyd ee Geeska Afrika laga maamulayay, isagoo xusay in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay si nabad qab ah ku galeen xaruntaas.

“Mujaahidiinta waxay weerar diyaarsan ku qaadeen xarunta sharta ugu weyneyd ee geeska Afrika laga maamulayay, xaruntaas ay degan yihiin gaalada ku soo duushay, hadey ahaan lahaayeen heydadaha sirdoonka, ciidamada afrikaanta, iyo saraakiishooda caddaan iyo madow, xaruntaasoo ah meeshii la dhihi jiray dugsiga tababarka ee Xalane”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Waxaa uu sheegay inay ku dileen weerarkaas ilaa 14 sarkaa ka tirsanaa AMISOM iyo afar sarkaal caddaan ah, waxaana uu xusay in khasaarahaas uu ahaa horu dhac iyo warka ay u soo gudbiyeen ragga hubeysan ee gudaha u galay xerada.

Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkan lagu soo beegay xilli ay socotay xaflad dabaal dega ciida masiixiga, waxaana uu tilmaamay in goobta ay gaareen ay aheyd meeshii ay ku sugnaayeen saraakiisha u sareysay, oo aan askari dable ah iyo shacab midna aanay joogin sida uu yiri.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarka ay ku qaadeen Xerada Xalane ay ugu aar-gudayeen Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Sheekh C/raxmaan Abuu Zubeyr oo loo yaqaanay Axmed Cabdi Godane, kaasoo horaantii bishii September Mareykanka uu ku dilay duqeyn cirka ah meel ka mid ah Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu dambeyn Cali Dheere ayaa sheegay in aanay nabad geli doono ciidamada ku soo duulay Soomaaliya, isagoo xusay in cidii Soomaaliya soo gashay aanay nabad ahaan doonin sida uu hadalka u dhigay.

Jowhar