Ciidamada DF Somalia oo isku diyaariyay in ay qaadaan weerar culus

0
834

DagaalBarawa20141006_2Warar aan helnay ayaa waxa uu sheegayaa in Ciidamado ka tirsan DF Somalia ay isku diyaariyeen weerar dagaal in ay ku qaadaan degmada Tiyeegloow ee Gobolka Bakool halkaas oo ay Al-Shabaab heystaan.

Guddoomiye kuxigeenka Maamulka Degmada Tiyeegloow Cali C/laahi Nuur ayaa cadeeyay in ciidamada Dowladda Soomaaliya in ay wadaan qaban-qaabada ku aadan qaadista weeraro ka dhan ah Ururka Shabaab.

Dagaalkan ayuu sheegay in ay iska kaashan doonaan ciidamada DF Somalia iyo kuwa Ethiopia isla markaana Al-Shabaab looga saarayo deeganada ku xeeran Tiyeegloow ee ay ku sugan yihiin.

Sidoo kale u jeedada ugu weyn ee dagaalkan ayaa waxa ay tahay sidii loo furi lahaa wadooyinka Tiyeegloow hoostagga oo Shabaab ay go’doomiyeen isla markaana baabuurta ay u isticmaali lahaayeen.

Ma ahan markii ugu horeysay ee maamulka Gobalka Bakool uu kasoo yeero hadal nuucaan oo kale ah si ay dagaal ugu qaadaan goobaha ay Al-Shabaab heystaan.

Balcad