Ciidamo fara badan oo Milateri ah oo gaaray degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

0
1009

Ciidan20141008Ciidamo fara badan oo ka tirsan Milateriga Soomaaliya ayaa buux dhaafiyay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, kadib markii ay ka ambabaxeen magaalada Muqdisho, iyadoo ciidankan ay ku hubeysan yihiin gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ah.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan ayaa la filayaa inay dhowaan xoog ku gelbiyaan gawaari sida shixnad gar gaar ah oo 70-cisho ku xaniban degmada Jalalaqsi, kaasoo la doonayo in la gaarsiiyo degmada Buulo Burde oo muddo 10-bilood go’doon ku jirta.

Ciidamadan oo safar dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa sii maray magaalada Jowhar, iyadoo intii ay wadada ku jireen aanay wax iska caabin ah la kulmin.

Taliyaha Qeybta 12-ka April Jen, Maxamuud Maxamed Qaafow ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay sidii ay raashinkaas xoog ku gaarsiin lahaayeen degmada Buulo Burde, iyadoo inta u dhaxeysa Jalalaqsi iyo Buulo Burde ay ku sugan yihiin dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in galbinta raashinkan ay ka qeyb qaadan doonaan Ciidamada AMISOM ee ku sugan degmada Jalalaqsi, waxaana soconaya kulamo ay leeyihiin saraakiisha ciidamada oo ku aadan qaabka raashinkaas loo gudbin karo.

Al-Shabaab ayaa horay u go’doomiyay deegaanadii horaantii sanadkan lagala wareegay, waxaana ka jiray xaalado bani’aadanimo, gaar ahaan degmada Buulo Burde ayaa ka mid aheyd meelaha aadka ugu darnaa oo ay dad ugu geeriyoodeen gaajo.

Jowhar