Feysal Cali Waraabe oo soo dhoweeyay heshiiskii dowladda Federaalka iyo Somaliland ku gaareen Jabuuti

0
880

FeysalCaliWaraabe20130615Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa soo dhoweeyay heshiiskii shalay ay magaalada Jabuuti ku kala saxiixdeen Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Heshiiskan oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti ayaa labada dhinac waxay ku heshiiyeen qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin in bisha Febraayo ee sanadka soo socda ay ku kulmaan Istanbul, in arrimaha masiiriga labada dhinac laga wada hadlo iyo arrimo kale.

Feysal cali Waraabe ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay mid uu soo dhoweynayo, isla markaana uu rajeynayo inuu meel maro.

“Heshiiska waa soo dhoweyneynaa aad iyo aad, waxaa jecel nahay inuu heshiiska meel mar uu noqdo, wax alla wixii lagu heshiiyay la hirgeliyo, waxaa u hambaleynayaa Madaxweynaha Jabuuti oo qaatay waajibaadkiisa xaqa ah”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe

Mar uu ka hadlayay gaabiska ku yimid wada hadalada ayuu tilmaamay in dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ay caga jiid ahaayeen, aanay markii hore wada hadalada kaga fiicnaayeen dowladdii Sheekh Shariif hogaaminayay, balse haatan ay muuqato in wada hadala la dar dar geliyo inay diyaar u yihiin.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in aanay wax sahal aheyn in go’aan laga gaaro arrinta ku aadan in Somaliland ka go’do Soomaaliya inteeda kale ama in Soomaaliya ka sii mid ahaadaan, taasoo uu xusay inay u baahan tahay waqti dheer.

“Arrinta u dambeysa ee ah mala kala tagaa ama mala isku darsadaa waqtigeeda lama gaarin marka hore waxaa haboon in la dhiso kalsooni, la is barto, xiriirka wanaagsanaado, in jawigaas horta in la suura geliyo, marka dambena la gaaro wax ma wada yeelan karnaa mise waa is macsalaameynaa waana wadada lagu socdaa”ayuu yiri Feysal cali Waraabe oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho.

Wada hadalada u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland ayaa muddo sanad ah hakad ku jiray, iyadoo dowladda Soomaaliya dhinaceeda uu gaabiska ka jiray, maadaama khilaaf siyaasadeed uu ka dhex jiray.

Jowhar