Gaalkacyo: Wariyeyaal ku dhaawacmay qarax ka dhacay Gaalkacyo

0
1062

GaalkacyoQarax fiidnimadii caawa ka dhacay gudaha xarunta idaacadda Radio Gaalkacyo ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku dhaawacmay laba wariye oo ka hawl-gala idaacadda la weeraray.

Agaasimaha guud ee Radi Gaalkacyo, Cawil Maxamed Cabdi ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay qaraxa, wuxuuna tilmaamay in qaraxu ahaa Bam-gacmeed lagu tuuray idaacadda.

Agaasimaha ayaa tilmaamay in labada wariye oo kala ah Shiine Cabdi Axmed iyo Cabdullaahi Aadan Dude (Cabdullaahi-yare) uu gaaray dhaawac sahlan, laguna daweynayo isbitaalka guud ee degmada Gaalkacyo.

Wuxuu intaas ku daray inuu jiro khasaare qaraxa kasoo gaaray agabka idaacadda qaarkiis, ayna idaacaddu hawada ka maqan tahay hadda.

Saraakiisha amniga ee waqooyiga Gaalkacyo ayaan wali ka hadlin qaraxa caawa lagu weeraray xarunta Radio Gaalkacyo.

Wali ma cadda sababta iyo cidda ka dambeysey weerarka caawa lagu bar-tilmaameedsaday xarunta Radio Gaalkacyo oo ah kii labaad ee lala eegtay xaruntaas.

Bar-kulan