Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan oo goor dhow gaaray magaalada Baraawe

0
984

Barawa20141105Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta gaaray magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo noqoneysa xarunta Maamulka Koofur Galbeed.

Wafdiga Shariif Xasan oo ay qeyb ka ahaayeen mas’uuliyiinta Maamulka galbeed ayaa diyaarad Helicopter ah ka soo qaaday magaalada Baydhabo, iyadoo lagu soo dhoweeyay Baraawe.

Ku simaha Gudoomiyaha degmada Baraawe Bashiir Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Shariif Xasan iyo wafdigiisa si diiran loo soo dhoweeyay, ayna u kala harin soo dhoweyntiisa dhamaan ururada bulshada rayidka.

Booqashadan oo aheyd mid aan horay loo sii shaacin ayaa la filayaa in Shariif Xasan ugu kuur galo xaalada Baraawe, halkaasoo horaantii bishii October lagala wareegay Al-Shabaab.

Shariif Xasan oo xilka Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed loo doortay bartamihii bishii November ayaa booqashadiisan ay tahay tii u horeysay oo uu ku tago Gobolka Shabellaha Hoose oo qeyb ka ah saddexda gobol ee uu ka kooban yahay Maamulka Koofur galbeed oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa isu diyaarinaya sidii ay xarun ugu noqon laheyd magaalada Baraawe oo ah magaalo deked leh, iyadoo dhowaan la filayo in Shariif Xasan uu soo dhameystiro xubnaha Wasiirada ee maamulkiisa.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

Jowhar