Masuul katirsan Maamulka Puntland oo saakay ka bad baaday Qarax la doonayay in lagu dilo

0
879

GaalkacyoWararka ka imaanaya Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in saakay halkaasi uu ka dhacay qarax gaarigiisa lala eegtay Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug e Maamulka Puntiland Farxaan Cali Xaad.

Qaraxa Saakay ka dhacay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in uu ahaa Nuuca Miinada dhulka lagu aaso Meelaha fog fog laga hago, waxa ayna la kacday Gaarigii uu saarnaa Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug Farxaan Cali Xaad.

Wararka aan ka heleyno Waqooyiga Gaalkcyo ayaa sheegaya in Qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray Gudoomiyaha la weeraray, waxaana dhaawaca Gudoomiyaha lagu daweenayaa Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalakacyo.

Ciidamada Maamulka Puntiland ayaa qaraxa kadib Magaalada Gaalkacyo ka bilaabay baaritaano ku aadan cida ka dambeysa qaraxa saakay ka dhacay Magaaladaasi, walina ma jiro faah faahino kasoo baxay Howlgalka ay sameeyeen Ciidamada amaanka.

Allbanaadir