Maxkamad ku taalla Seychelles oo laashay xukunka burcad badeed Soomaali ah

0
930

SomaliPirates20131031Maxkamadda racfaanka ee jaziirrada Seychelles ayaa laashay xukun horay loogu ridday saddex burcad badeed Soomaali ah, iyadoo amartay in si deg-deg ah dalkooda dib loogu celiyo.

Fadhi ay maxkamaddu yeelatay ayey meesha kaga saartay xukunka saddexda nin kaddib markii ay maxkamaddu sheegtay in aan cadeymo ku filan loo keenin in ay burcad badeed yihiin.

Saddexda qof oo laba kamid ah ku xukunaa 21 sano oo xabsi ah, halka kan kale oo ah wiil ah 16 jir ah lagu ridday 14 sano ayaa racfaan ka qaatay xarigooda.

Kooxda ayaa kamid ahaa 25 la tuhmanayaal burcad badeed ah oo ciidamada badda ee Denmark ay ku qabteen xeebaha geeska Afrika bishii January ee sannadkii 2012.

Howlgalka lagu soo qabtay ayaa lagu badbaadiyey 14 la heystayaal u dhashay dalalka Pakistan iyo Iran oo burcad badeedda u afduubnaa.

Seychelles ayaa kamid ah dalal dhowr ah oo lagu maxkamadeeyo burcad badeedda lagu soo qabta xeebaha Soomaaliya iyo kuwa ka baxsan.

Bar-kulan