Muran ka taagan sidii Sakariye Ismaciil loogu soo qaadi lahaa Xamar: Taliyaha Nabad Sugida Tuuryare oo diiday in xildhibaanada SADE…

0
996

NabadsugidaMurun xoogan, ayaa wuxuu ka dhashay qaabkii Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo looga soo amba bixin lahaa Sakariye Ismaaciil Xersi, oo ka tirsanaa Saraakiisha Al Shabaab, shalayna lagu qabtay Degmadaasi.

Murunka wuxuu ka dambeeyay markii Ra’iisal Wasaaraha Somaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, uu Saraakiisha Gobolka Gedo uu u sheegay in uu mashquulsan yahay, isla-markaana ay arrinta Sakariye Ismaaciil Xersi kala hadlaan Guddiga Amniga Qaranka. Guddigu waxa uu kiiskaasi uu isna ku wareejiyay Taliyaha Hay’adda Nabad Suggida Qaranka C/raxmaan Maxamed Tuuryare.

Tuuryare iyo Saraakiisha Gobolka Gedo waxay isku khilaafeen qaabkii Magaalada Muqdisho loogu soo wareejin lahaa Sakariye. Saraakiisha Gedo waxay soo jeediyeen in Magaalada Muqdiso laga soo diro wefdi ka kooban Xildhibaanada iyo Odayaasha Dhaqanka Beesha Sade, si ay iyagu Sakariye uga soo amba bixiyaan Degmada Ceelwaaq.

Tuuryare, ayaa ka biyo diiday in Xildhibaano iyo Odayaal Dhaqameedyo ku heyb ah Sakariye loo diro, wuxuuna dalbanayaa in arrintaasi loo daayo Hay’adda Nabad Suggida, oo Saraakiil ka tirsan u direysa Ceelwaaq, si ay uga soo kaxeeyaan.

Labada dhinac, ayaa ku kala irdhoobay khilaafka soo kala dhex galay, ilaa iyo hadana ma jirto fara-gelin ay arrintaasi ku soo sameeyeen Madaxda Dowladda Somaliya.

Saraakiisha gacanta ku haysa Sakariye Ismaaciil Xersi, ayaan iyagu doonayn in ninkaasi ay u gacangeliyaan Tuuryare, waxayna taasi bedelkeeda doonayaan in si toos ah loo geeyo Madaxtooyada Somaliya, si uu ugula kulmo Madaxda Dowladda.</p>

Sakariye, ayaa waxaa la lee yahay wuxuu diyaar u yahay in uu Saxaafada la hadlo, isla-markaana uu cadeeyo inaanu ka mid ahayn Ururka Al Shabaab, uuna ka tanaasulay mabda’a Ururkaasi.

Ururka Al Shabaab, ayaaba dhankooda cadeeyay in ninkaasi uu Ururkooda ka baxay kol hore, isla-markaana aynaan waxba ka jirin wararka sheegaaya in uu xubin ka yahay.

Balcad