Raysul wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa habeenkii Axadda magaalada Muqdisho kula kulmay safiirka dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Ahmed Othman Al-Hammadi.
Danjire Al-Hammadi ayaa marti-qaad casho ah raysul wasaaraha cusub ugu sameeyay xarunta safaaradda UAE ee Muqdisho, waxayna ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal iyo xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya.
Cumar ayaa kala hadlay danjiraha muhiimadda ay leedahay hagaajinta xiriirka iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa labada dal.
Bar-kulan