Raysul wasaaraha oo magacaabaya 25 wasiir

0
976

CumarCabdirashiid20141225_4Raysul wasaaraha cusub ee xukuumadda Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali ayaa maanta xaqiijiyay inay u qorsheysan tahay in uu soo dhiso xukuumad tayo leh oo ka kooban 25 wasiir.

Wuxuu yiri “waxaan rajeynayaa inaan soo dhisi doono dowlad waaqiciga siyaasadda iyo sida qabaa’ilka ku saleysan” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay in tirada wasiirrada iyo wasiir ku-xigeennada aanay ka badnaan doonin 50 qof, sidaas daraadeed wuxuu ka codsaday xildhibaannada baarlamaanka iyo shacabka Soomaalida inay taageeraan dadka la soo xulo ee loo arko inay yihiin kuwo dalka gaarsiin kara hadafka la hiigsanayo.

“Maanta waxaan rajeynayaa aragti aan dastuurka uga saarno kumeel-gaarka inaan keenno, dalkana aan gaarsiiyo doorasho inay ka dhacdo sanadka 2016” ayuu yiri raysul wasaaraha.

Wuxuu xildhibaannada uga mahadceliyay codkii aqlabiyadda ahaa ee ay ku ansixiyeen.

Bar-kulan