Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga oo Hambalyo udiray Saraakiisha iyo Ciidanka Booliska soomaaliya

0
924

MuuseXasan20141220Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Talyaaniga Ambassador Muuse Xasan Cabdulle oo Maanta War Qoraal ah ka soo Saarey Xafiiskiisa Magaalada Rome ee Xarunta Dalka Talyaaniga ayaa ugu horreyn hambalyo ku aaddan xuska sanadguuradii 71aad ee kasoo wareegatay maalintii la aasaasay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed u diray Dhammaan Saraakiisha iyo Ciidamada Booliska Soomaaliyeed isagoo ku amaanay Booliska waxqabadkii ay muujiyeen iyo sida ay ugu adeegeen Shacbigooda tan iyo markii la aasaasaay maanta oo kale 20kii december sanadkii 1943.kii.

Safiirka Somalia ee Talyaaniga General Muuse Xasan ayaa tilmaamay in Ciidanka Booliska uu kaalin weyn ku leeyahay Hayadaha Qaranka Soomaaliyeed ugu xilsaaran xagga ammaanka islamarkaana Boolisku yahay hooyada Ciidamada Qalabka Sida ee Jamhuuriyadda Somalia.

General Muuse Xasan Cabdulle Danjiraha Somalia ee Talyaaniga ayaa Dhanka kale isagoo ku hadlaya magaciisa iyo howlwadeennada safaaradda iyo jaaliyadda hambalyo ugu diray R.Wasaaraha cusub Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ee dhawaan uu soo magacaabaya Madaweynaha Somalia Xasan Sh Maxamuud waxa uu u rajeeyey in uu xilkiisa ku guuleysto gudashadiisa islamarkaana uu ku bogaadiyey inuu soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka ka samata bixisa dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed uguna adeegta si hufan oo caddaalad ah.

Ugu dambeyntii Danjiraha ayaa hoosta ka xariiqay in Safaaradda iyo Howlwadeennadeeda diyaar u yihiin mar kasta inay la shaqeeyaan R.Wasaaraha cusub iyo Xukuumaddiisa isagoo ka dalbaday qeybaha bulshada inay taageeraan R.Wasaare Sharmarke iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono dhawaan si loo gaaro hiigsiga ay Somalia hiigsaneyso Sanadka 2016.