Shariif Xasan: Halla joojiyo dagaalka Marka

0
954

ShariifXasan20131207Madaxwaynaha maamulka Koonfur/galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta soo saaray baaq nabadeed ku wajahan sidii xal loogu helilahaa dagaal laba beelood dhowaan ku dhex maray magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

Baaqa nabadeed oo ka kooban dhowr qodob ayaa laga akhriyey kulan uu shariif Xasan magaalada Marka maanta kula yeeshay siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda beelaha dagaallamay oo uu ka codsaday inay ka qayb-qaataan sidii loo joojin lahaa dagaalka.

Qodobbada baaqa ayaa waxaa ku jira; in la kala qaado qaado malleeshiyada labada beelood, In ciidammo dhex-dhexaad ah la geeyo goobta lagu dagaallamay, in la dhiso guddi farsamo oo qaabbilsan dhex-dhexaadinta iyo in la dhigo gogol nabadeed oo lagu xallinayo waxa ay kala tabanayaan beelahaas.

Dhanka kalena, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha hoose, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Siidi) oo lahadlay Bar-kulan ayaa beelaha dagaallamay ka dalbaday inay maamulka kala shaqeeyaan sidii loo soo af-jari lahaa colaadda.

Bar-kulan