Sheekh Axmed Madoobe oo lagu qanciyay in uu yahay Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubaland

0
876

XasanSheekhAndAxmedMadoobe20140916_1Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagay Magaalada Kismaayo, ayaa kulan xasaasi ah waxa uu halkaasi kula qaatay Hogaamiyaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Madoobe .

Wararka aan ka helnay xubno katirsan Maamulka Jubba ayaa noo sheegay in Madaxweynha Soomaaliya uu ka qanciyay Sheekh Axmed Madoobe arimo badan iyo balamo hore oo jiray oo ay kamid aheed in R/Wasaare laga dhigayo Xuseen Cabdi Xalane oo kasoo jeeda Beesha Ogaadeen balse aysan suurtoobin..

Madaxweyne Xasam heekh ayaana wadahadalada kadib Magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay in Sheekh Axmed Madoobe, oo markii hore loogu yeeri jiray Hogaamiyaha Jubba uu Maanta yahay Madaxweynaha Maamulka Jubaland.

“Waxaan idin cadeenayaa in magacii hogaamiyaha heshiiska ku wada galnay Maamulka Jubba la badalay, Sheekh Axmed Madoobe hada kadib waxaa Madaxweynaha Maamulka Jubaland” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegya in wali socdaan wadatashiyo u dhaxeeya Maamulka Jubba iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya, lana dhameestiri doono waxyaabaha ka dhiman Maamulka Jubaland.

Allbanaadir