Wafdigii madaxweyne Xasan oo gaaray Kismaayo

0
1091

XasanSheekhTravellingMadaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa waxay maanta duhurnimadii gaareen Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Waxa madaxweynaha iyo Wafdiga la socda kaga horeeyey magaalada Kismaayo Ciidan gaar ah oo Amaanka garoonka sugayey iyadoona si heer sare ah wafdigaasi loo soo dhaweeyey.

Weli ma cada sababta ay Madaxweynaha iyo Xubnaha la socda ugaareen magaalada Kismaayo.

Warar aan helnay waxay sheegayaan in saacadaha soo socda uu saxaafada la hadli doono madaxweynaha kana warbixin doono safarkiisa Kismaayo iyo waxa uu kusaabsan yahay,kulana uu la qaadan doono mas’uuliyiinta maamulka Axmed Madoobe.

Midnimo