Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo dagaal culus oo dhexmaray Ciidamada Puntland Iyo Gal-mudug

0
958

DagaalSaxardheer20140829Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa dagaal goordhaw ka dhacay gobalka Mudug oo u dhexeeya Ciidamo ka kala tirsan maamulada Puntland Iyo Gal-mudug.

Dagaalka oo aad u xooganaa ayaa waxaa lasoo sheegayaa inuu sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta oo soo gaaray dhinacyada uu dagaalka u dhexeeyay.

Wararku waxa ay soo sheegayan in Dagaalka xoogiisa uu ka dhacay deegaanka Saaxo oo ka mid ah deegaanada hoostaga gobalka Mudug, waxaana la sheegayaa in labada dhinac ay rasaas xoogan isku adeegsanayaan iyadoona ay ishu qabaneysay Meydadka dad shacab ah oo wadooyinka daadsan.

Inta la xaqiijiyay waxaa halkaasi ku dhimatay ilaa 7 qof, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmen dad kor u dhaafaya 5 ruux, sida ay inoo sheegeen dad ku dhaw halkaasi.

Dhanka kale, Dagaalka ayaa bilowday ka dib markii ciidamada maamulka Puntland oo doonayay in ay halkaasi ka hirgeliyaan ceel biyood ay iska hor imaad kala kulmeen ciidamo kale oo Gal-mudug ka tirsan.

Warkii