Warar dheeraad ah oo kasoo baxaayo keenista Zakariye Ismaaciil ee magaalada muqdisho

0
1035

NabadsugidaWarar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa keenista magaalada muqdisho Madaxii sirdoonka Kooxda Alshabaab Zakariye Ismaaciil oo goor dhow laga soo dajiyay garoonka aadan cade ee magaalada muqdisho.

Zakariye Ismaaciil ayaa waxaa la socday xiligii garoonka la keenay Saraakiil ka tirsanaa Dowlada Kenya, waxaana garoonka isla markiiba ka kaxeystay Saraakiisha Hay’ada nabadsugida iyo sirdoonka qaranka soomaaliya.

Waxaana lagu wadaa in Zakariye Ismaaciil lala yeesho wareysiyo kala duwan oo ku saabsan qaabka ay xogaha uga heli jireen goobaha ay duulaanka ku yihiin IWM.

Zakariye Ismaaciil oo xogo badan ka haaya Arrimaha al-qaacidada somalia ayaa waxa uu hada diyaar u yahay inuu howlo la wadaago Dowlada Federaalka ah ee soomaaliya, cagsigeedana loo fidiyo cafis maadaama uu ka faa’iideystay baaqii Madaxweyne xasan sheekh ee ahaa in la cafin doono Alshabaabkii isa soo dhiibo.

Dowlada federaalka ayaa waxaa ku adag inay jawaabo hordhac ah ka bixiso isa soo dhiibida Sargaalkaani iyadoona aan lasii saadalin karin go’aankeeda.

Si kastaba ha ahaatee, Dowlada federaalka ayaa waxa ay Caqabado kala duwan kala kulantay sidii Zakariye Ismaaciil lagu soo gaarsiin lahaa Magaalada muqdisho, kadib markii ay Zakariye Ismaaciil awood ku kaxeysteen Sirdoonka Kenya xili uu ku sugnaa Gobolka Gedo.

Zakariye ayaa ahaa madixii hore ee sirdoonka Alshabaab, kaasi oo dowladda Maraykanka ay madaxiisa saartay $3 malyuun oo doolar haddii lasoo qabto, todobaadkani ayuuna iska soo dhiibey magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Allbanaadir