Warar horu dhac ah oo ka soo baxaya weerarka lagu qaaday Xerada Xalane

0
980

Alshabaab1

Jowar: Warar horu dhac ah ayaa ka soo baxaya weerar xoogan oo maanta duhurkii lagu qaaday Xarunta ugu weyn AMISOM ee Xalane, iyadoo rag hubeysan oo ka tirsan Shabaab la sheegay inay gudaha u galeen.

Inkastoo ay wali adag tahay in la helo faah faahin rasmi ah oo ku aadan khasaaraha weerarka ka dhashay, ayaa hadana warar la helayo waxay sheegayaan in rag ku hubeysan qoryaha fudud iyo bambaanooyiin ay xarunta Xalane ka weerareen qeybta Isbitaalka AMISOM ay gacanta ku hayaan.

Wararka ayaa intaa ku daraya qaraxyo iyo rasaas la maqlayay goor sii horeysay, waxaana weerarka uu iminka socdaa ku dhowaad hal saac, tan iyo markii uu si rasmi u soo shaac baxay in xarunta Xalane la weeraray.

Al-Shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkan, waxaana baraha bulshada sida Twitter lagu qorayay wararka ku saabsan weerarkan.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Kay ayaa bartiisa Twitter ku soo qoray hadal kooban oo uu ku cambaareeynayo weerarka garoonka diyaaradaha lagu qaaday iyo Ciidamada AMISOM ay difaacayaan, isla markaana Argagixisada aanay marnaba hor-joogsan doonin horumarka Soomaaliya.

Goor sii horeysay ayaa waxaa gebi ahaanba la hakiyay dhaq dhaqaaqii garoonka diyaaradaha, sidoo kale waxaa xiran wadada aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Bishii September ee sanadkii 2009 ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerartay Xarunta Xalane, iyadoo weerarkaas loo adeegsaday labo baabuur oo ku buufsanaa Calamadaha UN-ka oo ahaa kuwa aan xabadaha karin ee horay Al-Shabaab uga qaateen Xarumihii Hey’adaha UN-ka ee ku yaalay Gobolada Koofureed.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Taliska AMISOM oo ku aadan weerarkan lagu qaaday Xarunta Xalane oo ay ku yaalaan qaar ka mid ah Safaaradaha reer galbeedka iyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM.