Xildhibaano uga digay Ra’iisul Wasaaraha Cusub inuu soo magacaabo Wasiiro doonayay inay dhacdo Xukuumadii hore

0
1038

buuqabarlamaankaCabdi Barre oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya, kana soo horjeeday mooshinkii ay codka ku weysay Xukumaddii hore ee C/wali Sheekh Axmed Maxamed ayaa digniin u diray Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaake inuusan xukumadiisa ku soo darin Wasiiradii Xukumaddii C/wali Sheekh Axmed ee sheegay Xiligii Khilaafka inay iscasilayaan hadii uusan Ra’iisul Wasaaruhu Xilka ka dagin iyo Xildhibaanadii u ololeenayay in Xukumaddaasi la rido.

Xildhibaan Cabdi Barre ayaa sheegay in hadii ay taasi dhacdo uu Cumar C/rashiid Sharmaake la Kulmi doono Cawaaqib xoogan oo Xildhibaanada uga imaan karta sida uu sheegay.

Dhanka kale Xildhibaanka ayaa hadalkiisa imaanaya iyadoo ay jirto Wasiiro ka tirsanaa Xukumaddii hore iyo Xildhibaano Baarlamaanka ka mid ah oo raadinaya inay Wasiir ka helaan Xukumadda cusub.

Somaliweyn