Akoonadii Wasaaradaha iyo Hey’adaha dowladda ay ku lahaayeen Xawaaladaha oo la xiray

0
801

HantidhowrkaGuudNuurJimcaaleFaaraxHanti dhowrka guud ee Qaranka Dr. Nuur Jimcaale Faarax ayaa maanta sheegay in la xiray dhamaan Akoonadii Wasaaradaha iyo hey’adaha dowladda ku lahaayeen Bangiyada Xawaaladaha ku yaal magaalada Muqdisho.

Dr. Nuur Faarax ayaa sheegay in wixii hada ka dambeeya akoonada Wasaaradaha loo soo wareejiyay Bangiga Dhexe, si loo ogaado dhaq dhaqaaqyada hey’adaha dowladda iyo wasaaradaha, maadaama ay socoto la xisaabtan dhab ah.

“Waxaa ku guuleysanay inaan soo xirno akoonadii ka furnaan xawaaladaha, waxaa u soo wareejinay Bangiga Dhexe, si aan ula socono dhaq dhaqaaqyada”ayuu yiri Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Sidoo kale Hanti Dhowraha Dowladda ayaa xusay in Sanadkaan 2015-ka ay sameynayaan Qorshe Cusub oo horseedaya in Miisaaniyada iyo Xisaabaadka Lacageed ee yaala Bankiga dhexe si online ah loola socon doono.

“Qorshaha cusub ee aan wadno waxaa ka mid ah in sanadkan 2015 aan si gaar ah ula socono xisaabaadka lacageed iyo miisaaniyada yaala Bankiga Dhexe, gaar ahaan qaabka casriga ee Online-ka”ayuu yiri Hanti dhowraha guud ee Qaranka.

Hadalkan ayuu Hanti dhowrka Guud ka jeediyay shir jaraa’id oo ay si wada jir u qabteen isaga iyo Sii hayaha Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane, kaasoo lagu soo bandhigayay waxqabadka Wasaarada Maaliyada iyo hanaanka loo maro xisaabaadka oo ah qaab casri ee Computer-ka ah.

Ugu dambeyn Hanti dhowraha Guud Dr. Nuur Faarax ayaa sheegay inay waajib ka saaran tahay sidii loo xadidi lahaa musuq maasuqa dhaqaalaha dowladda lagu sameeyo, isagoo xusay in isaga iyo Xisaabiyaha Guud ee dalka ay ka wada shaqeyn doonaan la socodka dhaq dhaqaaqyada hey’adaha dowladda.

Jowhar