Al Shabaab oo Afduubtay Ciidamo Badan oo Katirsan Maamul Gobolleedka Puntland

0
904

galagala20141004Warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in Ururka Al Shabaab ay qafaasheen ama ay gacanta ku dhigeen Ciidan katirsan Maamul Gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Sargaal uhadlay Ciidanka Puntland ayaa waxa uu sheegay inay nolol iyo geeri ku weysan yihiin 9 Askari oo markii ugu war dambeysay kusugnaa Furumaha Dagaalka Ee Buuraha Gal gala.

Waxa ciidanka Puntland ay ku raad joogaan ama ay baadi goobayaan Askarta la weysan yahay.

Waxa wararku ay sheegayaan in Ciidankaasi ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.