Askar Kenyan ah oo lagu weeraray xadka Soomaaliya iyo Kenya

0
1173

kenyanPoliceIllaa Sadex askari oo Kenyan ah ayaa ku dhaawacmay weerar ay koox hubeysan oo loo malaynayo inay Al-Shabab ka tirsan yihiin ku qaadeen gaari sida ciidamo oo marayay jaziiradda Lamu ee dalka Kenya.

Taliyaha booliska Lamu Ephantus Kiura ayaa xaqiijiyay in koox hubeysan ay wadada u galeen askar biyo u waday degaanka Mangai la yiraahdo oo qiyaastii 80 km u jirta degaanka Lamu halkaaso ay ku dhaawacmeen Sadex askari oo gaariga la wareeray la socday.

Warbaahinta dalka Kenya oo soo xiganaysa saraakiil ciidan ayaa ku waramaya in dhaawaca askarta oo aad u culus lagu qaaday diyaarado ayadoo la geeyay isbitaal magaalada Nairobi ku yaala.

Al-Shabab willi ma aysan sheegan mas’uuliyadda weerarkaas hase ahaatee dhawr jeer ayay dalka Kenya sidaan oo kale weeraro uga geysteen.

Somaliweyn