Biyo La’aan Laga Soo Sheegayo Deegaano Hoostaga Degmada Garbahaarey Ee Gedo

0
1336

Garbaharey20140923_6Biyo yari aad u daran oo saameyn ku yeelatey nolosha dadka iyo duunyada ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ka taagan tahay qaar ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo,iyadoo Biyo la’aantaasina la sheegayo in haatan ay gaarsiisan tahay heerkii ugu adkaa.

Tuullooyinka ugu daran ee Biyo la’aantu ay sida daran u saameysay ayaa waxaa ka mid ah Daabley, Godey, Caano maal ,Reysqode , Qadiidaa, Buraa iyo qaar kalewaxaana jirin roobab is xig xiga oo aan halkaasi ka da’in, iyadoo dadka iyo duunyadu aad u liitaan.

Sheekh Maxamed Deerow oo ka mid ah Odoyaasha Tuulada Daabley oo Garbahaarey u jirta ilaa 40 km ayaa Warbaahinta u sheegay in xaaladda Tuuladaasi iyo kuwa kale dadka degan ay soo wajahday Biyo la’aan, isaga oo sheegay in fuustadii biyo ah ay ka gaartey Tuuladasi qiimo ahaan lacag dhan 80 kun oo Shilin Soomaali ah, taasi oo uu tilmaamay in dadka aysan awoodin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka deegaanka markii hore in ay biyaha ka heli jireen Togag iyo waro, balse togagii iyo warahii biyaha oo gurey ayaa keentay in Biyo ganacsi ah ay gataan dadka, iyaga oo biyahana u doonanaya meelo 8 Km u jirta Tuulada, biyahaasina ma ahan ayuu yiri kuwo nadiif ah.

Dhibaatada Biyo la,aaneed ee ka taagan tuulooyinkaasi maalmahii ugu dambeeyey ayaa waxaa ay ka dameysay ka dib markii ay ka gureen tuullooyinkaasi waraha ,Togagii iyo ceelasha ay dadka biyaha ka heli jireen.

Warkii