Ciidamada dowladda oo howl gallo ka wada degmada Kaxda iyo Askari saaka lagu dilay Sey-biyaano

0
1272

HowlgaloMuqdisho20141105_2Ciidamada dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan Ciidamo AMISOM ah ayaa saakay aroortii howl gallo ka bilaabay degmada Kaxda ee koofurta Muqdisho, iyadoo ciidamada ay guri guri u baarayaan.

Sida ay sheegayaan wararka howl galkan ayaa ilaa iyo hada waxaa lagu qab qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inuu saameyn xoogan ku yeeshay dhaq dhaqaaqii guud ee degmada.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay xireen dhamaan jidadka soo gala degmada Kaxda, iyadoo gawaarida gaashaaman ku jaray wadooyinka.

Sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheegaya in boqolaal dhalinyaro ah oo howl galka lagu qabtay la isugu geeyay meel barxad ah, halkaasoo su’aalo lagu weydiinayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in howl galkan uu ka dambeeyay markii la helay warar sheegaya in xubno ka tirsan Al-Shabaab ay xilliyadii habeenkii soo galaan degmada Kaxda, iyadoo bishii hore weerar ku qaaday fariisimo ciidamada dowladda ku lahaayeen degmadaas.

Dhinaca kale Kooxo hubeysan oo gaari wadatay ayaa saakay ku dilay Garaash ku yaal Xaafada Sey-biyaano ee degmada Hodan askari ilaalo ka hayay garaashka, waxaana ay kooxihii hubeysnaa durba ka carareen goobta, iyagoo gaadiidkooda ku baxsaday.

Jowhar