Ciidamo cusub oo imanaya Soomaaliya

0
911

DjiboutiPeaceKeepersDowladda Jabuuti, ayaa waxay daboolka ka qaaday in ciidan dheeraad ah ay u soo direyso dalka Somaliya, si loo xoojiyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Somaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu cadeeyay in Jamhuuriyadda Jabuuti, ay 1000 askari oo dheeraad ah u soo direyso Somaliya.

Wasiirka, ayaa sidoo kale qeexay inay soo dirayaan askar kaloo boolis ah, iyadoo la kordhinaayo dadaalada lagu doonaayo in lagu ballaariyo xasiloonida Somaliya iyo ka hortagga weerarada, ay Shabaabku maleygayaan.

Wasiirka waxa uu hoosta ka xariiqay in Jabuuti ay ka go’an tahay in xasilooni waarta ay ka dhalato Somaliya, kana gudubto caqabadaha ay ku yihiin Islaamiyiinta mayalka adag.

Jabuuti waxaa xilligaan Somaliya ka jooggo ciidan tiradoodu lagu qiyaaso 850 ilaa 1200 oo askari, kuwaa oo qayb ka ah dalalka ku bahoohay Dalladda Amisom.

Ciidanka Militariga Jabuuti waxay ka hawlgalaan Degmooyinka Baladweyne iyo Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, waxayna horey weeraro uu dhiig badani ku daatay, ay kala kulmeen Ururka Al Shabaab.

Shabaabka, ayaa Ciidanka Jabuuti ku dhaliila inaanay waxba ka duwanayn xoogaga kale ee Amisom, waxayna ugu yeeraan (Hiil gumeysi), halka dadka Somaliyeedna ay ugu yeeraan (Hiil Walaal).

Warkii