Ciidanka Puntland iyo Al-Shabaab oo ku dagaallamay buuraha Galgala

0
1954

galagala20141004Wararka ka imaanaya buuraha Calmadow oo ku dhow deegaanka Galgala ayaa laga soo sheegayaa dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Al-Shabaab ee deegaankaas ku dhuumaalaysata.

Dagaalka oo saaka billowday ayaan si rasmi ah loo ogayn ilaa hadda khasaaraha dhabta ah ee uu dhaliyay maadaama aysan wanaagsaneyn isgaarsiinta goobta lagu diriray.

Sarkaal ka mid ah ciidanka maamulka oo aan magaciisa shaacin ayaa qiray in uu jiro khasaare labada dhinacba soo gaaray.

Bar-kulan