Cumar Cabdirashiid oo soo jeediyay isbedel uu ku sameynayo golaha wasiirada cusub

0
1059

CumarCabdirashiid20141225_3Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ku gud jiro isbedel uu ku sameynayo Golaha wasiirada qabyada ah ee uu dhowaan soo magacaabay. Arrintan ayaa dhalatay kadib markii mucaarado hor leh ay ka hor timid 20-ka wasiir ee magacaaban.

Ra’iisal wasaaraha ayaa kulamo xiriir ah iyo wadatashiyo la leh dhinacyada kala duwan ee xildhibaanada wuxuuna balanqaaday arrimaha soo socda.

1. Inuu kordhiyo Wasiirada, kana dhigo 25 wasiir, iyadoo 5 wasiir oo cusub la soo magacaabayo.

2. In la magacaabo 25 wasiir ku xigeen iyo 5-8 wasiiru dowle

3. In xubnaha cusub ee la magacaabayo laga qaato xildhibaanada Baarlamaanka iyo kooxaha diidan wasiirada cusub.

Dadaalkii ugu dambeeyay ayaa socda oo Ra’iisal wasaaruhu ku doonayo in waqti la siiyo ku siman muddo toddobaad ah si uu u soo dhameystiro Golaha wasiirada kadibna uu hor keeni doono Baarlamaanka.

Qorshahan oo muddo 24 saacadood ah ay ka wada shaqeynayeen Cumar C/rashiid iyo guddoonka Baaralamaanka ayaan la ogeyn inuu aqbali doono madaxweyne Xasan Sheekh. Xaaladda ayaa gashay saacadihii ugu danbeeyay ka hor kullanka oo Baarlamaanku ganbar gaaban ugu fadhiyo ridista xukuumada labaad, iyadoo dhinaca kale ay ka socoto dadaal sidii lagu baajin lahaa ridista xukuumadda dibna loogu shaandheyn lahaa.

Warkii