Dagaal Xoogan oo Maalintii 4aad ka socda Buuraha Gal gala

0
922

galagala20141004Dagaal Culus ayaa waxa uu maalintii afaraad ka soconayaa buuraha Gal gala ee Duleedka Magaalada Boosaaso iyadoo faah faahino ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Waxa uu udhaxeeyaa dagaalka Ciidanka daraawiishta Maamulka Puntland iyo Dagaalamayaal katirsan Ururka Xarakada Al Shabaab.

Dagaalka ayaa waxa la sheegayaa inuu geystay khasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray ciidanka rasaasta is weydaarsanaya.

Wararka aanu helayno waxay sheegayaan in ciidan katirsan Puntland oo dhaawacyo qaba la gaarsiiyey saacado ka hor cusbitaalka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Warkii