DF Somalia oo joojisay shidaal baaris ka socotay Puntland

0
972

OilDrillMaamulka Puntland ayaa aad uga carooday hadal kasoo baxay Shirkadda Baarista Shidaalka ee Red Emperor taasoo ku sheegtay in ay xirtay gabi ahaan xafiiskeedii Boosaaso ka dib arkii a sidaas amartay DF Somalia.

Shirkadaan oo fadhigeedu yahay dalka Austaralia ayaa waxa ay ku sheegtay warbixinta ay seddexdii biloodba soo saarto inay xirayso xafiiskeeda Boosoaso, shaqaalaha u shaqeeyana ay kala direyso kaddib markii Wasaaradda Tamarta ee dowladda Federaalku ay ku adkaysatay in heshiisyadu ay soo maraan wasaaradda.

Xiritaanka shirkadaan ayaa waxa ay ka danbeysay ka dib markii Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Macdanta iyo Shadaalka, Da’ud Bisinle, uu ka sheegay shir ka dhacay London in barnaamijka ay wado shirkada Red Emperor uusan sharci eheyn.

Maamulka Puntland ayaan wali hadal kasoo saarin balse tani aya waxa ay dhibaato weyn u geesaneysaa maamulka uu hogaamiyo C/wali Gaas.

Balcad