Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamed Axmed Kuluc oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa

0
937

MaxamedAxmedKuluc

Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamed Axmed Kuluc ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland, halkaasoo uu dhowaan dib ugu laabtay, kadib markii uu ka soo tagay magaalada London.

Fanaanka ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaal magaalada Hargeysa, kadib markii uu xanuun ku soo booday.

Allaha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc ayaa ka mid ahaa Fanaaniintii Hobolada Waabari, waxaana uu Fanka ku soo biiray sanadihii 50-meeyadii.

Fanaanka ayaa suugaan kala duwan horay ugu luuqeeyay, waxaana haweenka heesaha uu la soo qaaday ka mid aheyd Allaha u naxariistee Fanaanada Magool oo ay dhowr heeso ku wada luuqeeyeen.

Jowhar