Farmaajo “Madaxda dowladda waxay eegeen dan shakhsiyadeed, Dastuurkana meel baa looga dhacay”

0
835

Farmaajo20150113Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhaliilay Xukuumada uu habeen hore soo dhisay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, isagoo cadeeyay inay ka dhex muuqdaan xubnihii horay u riday labadii xukuumadood.

Mr Farmaajo ayaa wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye, isagoo ku sugan Mareykanka ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay niyad jab jabeen markii Xukuumadan la soo magacaabay, isagoo xusay in Ra’iisul Wasaaraha oo ahaa nin qibrad leh, horayna xil u soo qabtay ay aheyd in qaladkiisii hore inuu ku wax qaato oo uu soo dhiso Xukuumad tayo leh.

“Dad badan oo filayay Isbadal in uu dhici karo ayaa markii ay Arkeen Wasiiradaan iyo sida ay wax u socdaan Niyad Jab ay ku dhacday”ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore Farmaajo oo intaa ku daray in horay uu soo dhoweeyay markii la magacaabayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.

Farmaajo ayaa xusay in dangtii guud laga hormariyay Dan gaar ah, isla markaana xubnaha dib loo soo celiyay wasiirada ay ahaayeen shaqsiyaad gaar ah oo Madaxweynaha ku dhowaa, kuwaasoo horay ugu fashilmay Xukuumadihii hore, haatana xukuumadan dib loogu soo diray.

“Waxay u muuqataa in Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya Meel looga dhacay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu soo Magacowday Wasiiradii uu horay u sheegay in ay Fashilmeen, taas waxaa ay muujineysaa in aan la raadin Danta Shacabka oo mid Shaqsiyadeed loo ordayo”ayuu yiri Farmaajo.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa iyana dhaliilay Xukuumada uu soo magacaabay, isla markaana ku eedeeyay Ra’iisul Wasaaraha inuu balan uga baxay, iyagoo ku hanjabay inay codka kalsoonida u diidayaan.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa sabab uga dhigay soo celinta Wasiiradii hore, in waqtiga oo yar iyo in howshii horay loo waday la sii dhameystiro, si dalka loo gaarsiiyo doorasho sanadka 2016.

Jowhar