Golaha Wasiirada oo lagu wado in lagu dhawaaqo ka hor shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD

0
816

CumarCabdirashiid20141224_2Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa la filayaa in saacadaha soo socda lagu dhawaaqo, iyadoo la sheegay in inta badan la soo dhameystiray xubnihii ka mid noqon lahaa Xukuumada cusub.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay Jowhar.com ka heshay Madaxtooyada ayaa sheegaya in maanta oo khamiis ah ama berri oo jimco ah ay u badan tahay in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada.

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa la filayaa in Golihiisa Wasiirada magacaabo ka hor shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD oo la filayo in maalinta Sabtida uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in muhiimada ugu weyn ka hor shirka Wasiirada Arrimaha Dibada Urur Goboleedka IGAD uu yahay sidii Xukuumada oo magacaaban uu shirkaas u qabsoomi lahaa.

Shirkan ayaa noqon doona taariikhda markii u horeysay oo Soomaaliya ka dhaco muddo 24-sano ah, iyadoo dowladda Federaalka ay diyaar garow xoogan ugu jirto qabsoomida shirkan.

Golaha Wasiirada ayaa la filayaa inay ka koobnaadaan 25 Wasiir, waxaana ka soo muuqan doona xubno horay uga tirsanaa xukuumadii hore iyo xubno cusub, waxaana mudooyinkan jiray loolan ay dad badan ugu jireen ka mid noqoshada Golaha Wasiirada.

Jowhar