Guddoonka Barlamaanka Oo Digniin Culus U Jeediyay Xasan Sheekh

0
1039

Barlamaanka20141224_2Saddexda Nin ee Guddoonka u ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay go’aan adag ula tegay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyagoo mideysan, kana dalbaday inuu faraha kala baxo beelahooda iyo dadka u metelaya golayaasha dowladda.

Arrintan ayaa soo baxay kadib markii xalay ay kulan wada yeesheen guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), iyo labadiisa ku xigeen Jeylaani Nuur Iikar iyo Mahad Cabdalla Cawad oo dhinac ah iyo madaxweynaha, kulankaas oo looga hadlay is mari waaga ka taagan magacaabidda golaha wasiirada.

Mahad Cabdalla Cawad oo ku hadlayay magaca guddoonka baarlamaanka ayaa madaxweynaha ka codsaday inuu faraha kala baxo beelahooda saddexda ah, una daayo inay iyagu soo xushaan dadka ay doonayaan inay uga mid noqdaan golayaasha dowladda, siiba golaha wasiirada. Waxay kaloo madaxweynaha u sheegeen in dhibaato badan ay ka dhacday baarlamaanka labadii jeer ee la riday xukuumadihii hore, iyaguna wixii hadda ka danbeeya ay ka digayaan inaysan xakameyn karin wixii ka yimaada haddii madaxweynuhu isku dayo inuu rabitaankiisa ku qasbo beelaha oo dhan.

Saddexda nin waxay madaxweynaha u jeediyeen talo kale oo ah inuu Ra’iisal wasaaraha u daayo magacaabidda iyo kala doorashada Golaha wasiirada, taasoo ahayd codsi ka yimid Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu ogolaaday arrintaasi isagoo ka gows heysta.

Si kastaba ha ahaatee, xarumaha Guddoonka baarlamaanka ayaa laga dareemay inay saaka buux dhaafiyeen xubno kala duwan oo doonaya inay qabtaan xilalka Golaha Wasiirada, waxaanas socda dadaaladii ugu danbeeyay madaxdaasi ku soo xulayaan xubnaha Golaha wasiirada cusub.

Warkii