Gudoomiyihii Degmada Buulo Burte iyo Duqa Degmadaasi oo Xabsi guri la galiyay

0
1543

Bulaburde20140911Wararka ka imaanaya Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xabsi guri la galiyay Gudoomiyihii Degmada Buulo Burte iyo Duqa Degmadaasi kadib markii lagu eedeeyay in ay musuq maasuqeen gar gaar Degmadaasi la gaarsiiyay.

Xeer ilaaliyaha guud Qaranka Axmed Cali Daahir oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in xabsiga loo taxaabay Gudoomiyihii Degmada Buuulo Burte ,ganacsato iyo askar ka tirsan Dowlada kuwaa oo lagu cadeeyay inay lunsadeen gargaar,wuxuuna sheegay xeer ilaaliyaha in hada mas’uuliyiintaasi Maxkamad la soo taagi doono.

Dr-Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Degmada Buulo Burte ay dhawaan u direen Saraakiil katirsan Ciidanka Booliiska iyo Nabad Sugida si ay baaritaano ugu sameeyaan Gar gaarka ay lunsadeen Masuuliyiinta Degmadaasi.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan C/casiis Duurow Cabdi ,ayaa beeniyay eedeemaha loo soo jeediyay ee la xariira in isaga iyo Duqa Degmadaasi ay lunsadeen gar gaar la gaarsiiyay Degmadaasi.

Waxa uu intaa raaciyay Gudoomiyaha in hada ay ku jiraan Xabsi guri lana xayiray dhaq dhaqaaqooda, waxa uuna xariga loo geestay ku tilmaamay in ay tahay mid Siyaasad ka dambeyso ayna been abuur tahay eedeemaha loo jeediyay.

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud Qaranka ayaa horey digniin uga bixisay in lala xisaabtami doono cid kasta oo lunsata hantida dadweynaha sidoo kale leexsata gar gaarka loogu tala galay dadka masaakiinta ah eek u dhaqan Degmooyinka iyo Deegaanada ay Dowladu maamusho.

Allbanaadir