Gudoomiyihii Degmada Xamar Weyne oo Xabsiga laga sii daayay kadib Saacado badan uu Xirnaa

0
933

GudoomiyahaXamarweyne20140603Ciidamada amaanka Dowlada Soomaaliya ayaa shalay xiray Gudoomiyihii Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir Cabduqaadir Maxamed Cabduqaadir (Carab) iyo kuxigeenkiisa dhinaca Arimaha Bulshada.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne Xalay saqdii dhaxe laga soo daayay goobtii lagu xiray kadib baaritaano dheer oo lagu sameeyay, waxaana Gudoomiyaha lagu eedeeyay lunsasho gar gaar loogu tala galay dad Curyaamiin ah.

War qoraal ah uu Bogiisa soo dhigay Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne Cabduqaadir Carab ayuu ku sheegay in uu dib u helay xuriyadiisa kadib baaritaano lagu sameeyay, waxa uuna intaa raaciyay in lagu waayay dambiyadii loo heestay.

‘’Dhammaan Asxaabteyda Waad mahadsan tihiin, xilligan oo ay Saacadu ku beegan tahay 1:00 saqda dhexe, waxaan idinla socodsiinayaa inan xoriyadeyda dib u heylay kadib saacado la waday baaritaan.alxamdulilaah bari subax shaqadeyda dib ayaan u bilaabayaa mudadii yareedna waxan idiin sheegaa in wax danbi ah la igu waayay (daacadi ma hungowdo)
waxana diyaar u ahay inaan ushaqeeyo shacabkeyga waliba si daacad ah’’ Ayuu ku yiri Qoraal uu Bogiisa soo dhigay Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir oo ku aadan xariga loo geestay Gudoomiyaha Degmada Xamar Weyne, sidoo kale ma jirto cid kale oo iyana ka hadashay sababaha loo xiray Gudoomiyaha iyo waliba sii deesmadiisa.

Allbanaadir