In ka badan boqol Xildhibaan oo si cad uga soo horjeestay magacaabidii Xukuumada cusub

0
873

XildhibaanoIn ka badan boqol Xildhibaano oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shirar kala gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa si cad uga soo horjeestay Xukuumada cusub oo uu habeen hore soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in talada dalka uu gacanta u galay koox yar oo la soo magacaabay, taasna aanay aheyn mid la aqbali karo, waxaana ay ku hanjabeen in aanay codka kalsoonida siin doonin.

Mustaf Mukhtaar Guudow oo u hadlay Xildhibaano ku dhow 80 Xildhibaan ayaa sheegay in aanay Xukuumada kalsooni siin doonin, isagoo xusay inay la xisaabtami doonaan oo aanay ka hari doonin cidii soo dhistay.

“Xukuumada Kalsooni siin meyno, cidii soo dhistay ee ka dambeysay ka hari meyno, xukuumadan waa musiibo qaran, waayo dadkii Soomaaliyeed wey u hugoobeen rajadii ay ka lahaayeen, qolooyinka la magacaabay waa iska tagayaan xaqiiqo waaye taas”ayuu yiri Mustaf Mukhtaar Guudow.

Sidoo kale Xildhibaano kale oo ku dhowaa kontameeyo, balse ay sheegteen inay yihiin 68 Xildhibaan ayaa bayaan ay soo saareen waxay ku sheegeen in aan laga fiirsan soo magacaabista Xukuumada oo ay ka dhex muuqdaan dad gaar ah.

Xildhibaanadan ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha C/llaahi Goodax Barre iyo Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Wasiirka Arrimaha Dibada ka soo noqotay Xukuumadii Saacid, waxaana xubnahan ay iska dhex doorteen Guddi 10 xubnood uu Gudoomiye u yahay C/llaahi Goodax Barre.

Mr Goodax ayaa sheegay in go’aanada iyo fikirka Xildhibaanada uu muujinayo wal walka laga qabo in xasilooni siyaasadeed uu dalka ka dhaco.

Xildhibaanadan ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee ka soo horjeesta Xukuumad la soo dhiso, iyadoo horay loo arki jiray in Xildhibaano qaarkood oo warbaahinta ka hadla inay diidaan hadba xukuumada la soo dhiso, waxaana ay tani muujineysaa cabsi ah in Xukuumadan ay weyso kalsoonida Baarlamaanka, marka loo eego aqlabiyada Xildhibaanada ee durbaba diidan.

Jowhar