Isu Tagga UrurWeynaha Shaqaaalaha Soomaaliyeed (ITUSS) oo ugu baaqay baarlamanka in ay ansixiyaan golaha wasiirada cusub

0
934

Barlamaanka20141224_3Isu Tagga UrurWeynaha Shaqaaalaha Soomaaliyeed (ITUSS) oo ugu baaqay baarlamanka in ay ansixiyaan golaha wasiirada cusub oo uu dhawaan Raisul wasaaraha soo magacaabay.

Isu tagga ururweynaha shaqaalaha soomaliyeed ayaa baaq u jeediyay baarlaamanka soomaaliyeed inay ansixiyaan golaha wasiirada cusub oo uu raisul wasaare Cumar Cabdirashiid soo magacabay taas oo ay ku tilmaameen gole wasiiro u qalma badbadinta shacabka somaliyeed oo mudo sadax bil ku dhaw xukumad la an ahaa.

“Anigoo ku hadlaayo magaca Isu Tagga Ururweynaha shaqaalaha soomaaliyeed waxaan ugu baaqayaa kana codsanayaa golaha shacabka soomaaliyeed in xukumada lataageero lana ansixiyo iyadoo loo eegayo danaha shacabka iyo shaqaalaha soomaaliyeed si loo helo dhaqaalo iyo nabad”. Gudoomiyaha ITUSS maxamed cismaan xaaji.

Waxayna intaas ku dareen in soomaalida ay mudo dheer kusoo jirtay dhibaata dhan walba ah maantana ay u baahanyihin in ay helaan adeegyada bulshada oo aan si wanaagsan u shaqeynin xiligaan taasna ay dhibaato ku tahay shacabka soomaaliyeed ay na u dulqaadan Karin xukumad la’aan mudo intaan la eg.

Sidaas darteed waxaan ka codsaneynaa baarlamaanka soomaaliyeed in ay ansixiyaan golaha wasiirada cusub si ay usii dar dar galiyaan baahiyaha an so shegnay loogana baxo dhibaatooyinka faraha badan ee shacabka soomaaliyeed heysta.

Waxayna intaas raaciyeen in ku dhawaqistii golaha wasiirada kadib ay dhamaan qeybaha kala duwan ee shacabka somaaliyeed ay si siman usoo dhaweeyen golahan cusub taasna ay cadeyneso baahida weyn ay u qabaan bulshada in ay helaan xukumad u istaagta adeegyada ay tabayaan oo an la heli Karin xukumad la’aan.

Sidaas darteed isu tagga ururweynaha shaqalaha somaliyed (ITUSS) oo dareensan bahiyahaas dhan in ay jiran ayaa waxay baarlamaanka ka codsanayaan in ay si shuruud la’aan ku ansixiyaan golaha wasiirada cusub.

Ugu danbeyn Isu Tagga Ururweynaha Shaqaalaha soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ku rajowayn yihiin uguna baaqayaan barlamaanka soomaliyeed in ay ansixiyaan xukumada, waxaa tihiin Golaha shacabka waxaana matashaan shacabka soomaaliyeed waana darensantihiin dhamaan dhibatooyinka haysta shacabka, waxaan idinka sugaynaa in ansixisaan xukumada haduu Alle idmo.