Labo ruux oo ku geeriyooday dibad bax rabshado wata oo ka dhacay degmada Guriceel

0
1205

Guriceel20131228Ugu yaraan labo ruux ayaa ku geeriyootay, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib banaan bax rabshado watay oo maanta ka dhacay degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Banaan baxan oo lagu taageerayay Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa waxaa uu isu bedelay rabshado, markii dadkii dibad baxayay ay dhagxaan ku tuureen gawaarida ciidamada iyo xarumaha maamulka.

Wararka ayaa sheegaya in dadka dibad baxayay ay xoog ku galeen saldhiga booliska, iyadoo markii dambe ciidamadii ku sugnaa ay rasaas ku rideen.

Gudoomiye kuxigeenka degmada Guriceel Cali Baashi ayaa sheegay in labo ruux oo ah wiil iyo gabar ay ku dhinteen dibad baxa, waxaana uu xusay inay socdaan baaritaano.

Dadweynaha dibad baxayay ayaa ku qeylinayay halku dhigyo kala duwan, waxaana ay taageerayeen Culumaa’udiinka Ahlusuna oo dhowaan laga saaray degmooyinka Guriceel iyo Dhuusa Mareeb.

Xaalada degmada Guriceel ayaa ah mid kacsan, iyadoo ay xiran yihiin gebi ahaanba goobihii ganacsiga, waxaana istaagay dhaq dhaqaaqii gaadiidka, waxaana xarumaha maamulka iyo kuwa ciidamada la dhigay ciidamo badan.

Jowhar