Maamulka Shabeelaha Dhexe oo Digniin u diray Ciidanka DF

0
846

JowharGudoomiyaha Gobolka Shabellaha dhexe Ee Maamulka Dowladda Soomaaliya Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo kamid ah Milatariga Soomaaliya oo Dhibaateeya Dadka Shacabkaa ee ku safraya Wadooyinka Gobolka Shabellaha dhexe.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo Dhac iyo Dil kula kaca Shacabka Musaafurkaa islamarkaana Maamulkiisa uu usan u dul qaadan doonin Talaabooyinkaasi.

Gudoomiye Guudlaawe ayaa ku Amray Ciidamada Amaanka Ee Degmada Jowhar in ay Talaabo ka qaadan Ciidamada Falalkaasi kula kacaya Dadka Shacabkaa.

Warkii