Macallimiin gaari lagula qarxiyay Gaalkacyo

0
891

GaalkacyoLabo qof oo mid ka mid ahaa uu ahaa macallin ayaa ku dhintay 10 kale oo sagaal ka tirsan ay macallimiin yihiinna way ku dhaawacmeen kaddib markii gaari ay wateen maanta lagu qarxiyay miino dhulka loogu aasay oo laga hagayay aalad xilli ay galayeen albaabka iskuul lagu magacaabo Yameys oo ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Qofka kale ee dhintay waa ilaaliyihii iskuulka, waxaana dadka dhaawacmay ku jira wadihii gaariga.

Toddobo ka tirsan macallimiinta uu dhaawaca soo gaaray ayaa u dhashay dalka Kenya, waxayna wax ka dhigayeen iskuulka sida uu ku soo warramayo weriyaha Bar-kulan ee gobolka Mudug.

Qaraxa ayaa u muuqday mid si gaar ah loola beegsaday macallimiinta.

Maamulka gobolka Mudug qaybta Puntland ayaa sheegay inuu wado baaritaan lagu ogaanayo ciddii ka dambaysay qaraxa.

Bar-kulan