Madaxweynaha oo amrey in Afka Soomaaliga oo qura lagu adeegsado laamaha dowladda

0
894

XasanSheekh20150121”Ummad waxay horumar ku gaari kartaa marka ay luqaddeeda horumariso, laamaha cilmiga iyo waxbarashada oo dhanna ay yihiin kuwo afka hooyo ku baxa”

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa amar ku bixiyey in afka Soomaaliga noqdo kan qura ee rasmiga ah ee lagu adeegsado dhammaan laamaha dowladda sida wasaaradaha,iyo xafiisyada kala duwan. Madaxweynaha ayaa amarkan kaga dhawaaqey magaalada Muqdisho, munaasabad lagu xusayey sannadguuradii 42aad ee ka soo wareegtey markii la qorey Afka Soomaaliga, kaas oo ay ka soo qeybgaleen Guddoomiyaha Baarlamanka Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Sii Hayeyaasha wasaaradaha Warfaafinta iyo Tacliinta Sare Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow iyo Ducaale Maxamed, xubno ka tirsan baarlamanka, ururrada bulshada iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha ayaa sheegay in go’aankaasi aanu ka dhigneyn in xafiisyada dowladda laga mamnuucayo afafka qalaad,maadaama adeegsigooda muhiim u yihiin marka ay timaaddo xiriirka hay’adaha iyo waddamada shisheeye. Waxaa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in xiriirka ku kooban Soomaalida loo adeegsado afka hooyo oo qura.
”Qorista Afka Soomaaliga 42 sanno ka hor waxay ka mid tahay guulaha ugu waaweyn ee uu dalku gaarey, isla markaana faa’iidooyinka laga dhaxley ay ka mid yihiin in afka Soomaaliga uu weli yahay tiirka ugu muhiimsan ee isku xira dhammaan dadyowga af Soomaaliga ku hadla ee ku nool waddanka iyo kuwa dalalka gobolka ku yaalla, waajib ayaaba inaga saaran inaan mar kasta weyneyno”

Waxaa uu madaxweynaha sidoo kale xusey in afka hooyo uu mar walba saldhig u yahay horumarka uu waddan higsanayo ama uu gaari karo.
”Adeegsiga iyo horumarinta afka hooyo waa muhiim, waxana idin siin karaa tusaale: waddamada waaweyn sida China , Japan iyo kuwo kale waxay horumar ku gaareen afafkooda, dhanka cilmiga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo arrimaha bulshada.Natiijo wax ku ool ah ayaana taasi ka soo baxdey, anaguna sidaa si la mid ah waan sameyn karnaa, shacabkeenuna waa dad taa u bisil”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale shaaca ka qaadey dhismaha akademiyad heer gobol ah oo ay yeelanayaan Soomaalida ku dhaqan dalalka Geeska Afrika, taas oo xarunteedu noqon doono magaalada Muqdisho.
”Waxan idin sheegayaa in dhowaan magaalada Muqdisho la dhagax dhigi doono dhismaha akademiyadda cusub ee horumarinta afka Soomaaliga. Waxaa akademiyaddan ka faa’iideysan doona Soomaalida ku nool Geeska Afrika iyo kuwa waddamaka kale ee caalamka ku dhaqan intaba.Waxan mahadcelin gaar ah u jeedinayaa Madaxweynaha Djibouti Ismail Omar Gelle, dadaalka uu u galey horumarinta afka Soomaaliga. Waxaan kale oo aan Mr Geelle ku bogaadinayaa inuu soo jeediyey in Soomaaliya noqoto xaruntii kobcinta afka Soomaaliga, isagoo qirayaa in Soomaaliya ay tahay tan dadaalka weyn u gashey horumarinta afka Soomaaliga, isla markaana ah waddanka keliya ee luqadda rasmiga ee laga isticmaalo ay tahay af Soomaali”.

Madaxweynaha waxaa uu sidoo kale ku baaqey dardargelinta iyo dhameystirka manhaj qaran oo af Soomaalia, isagoo intaa ku darey in hawlaha hadafkaasi lagu gaarayo ay socdaan.

”Waxaanu u baahanahay manhaj aanu inaga leenahay oo af Soomaali ah. Barnaamijyadii horey u jirey ee horumarinta iyo casriyeynta manhajka Soomaaliga waxaa aafeeyey dagaaladii sokeeye. Hadda waxa la joogaa waqtigii aanu hawshaasi dhameystiri lahayn oo aan yeelanno manhaj jiilka soo socda u diyaarin kara horumar dhan kasta leh oo ay gaaraan”.
Waxyaabaha kale ee uu munaasabadda ku xusey madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah in dib loo unko akademiyaddii qaranka ee luqadda, dhaqanka iyo cilmi baarista, dib u soo nooleynta goobaha taariikhiga iyo ilbaxnimada, sida matxafyada, maktabadaha, dib u dhiskii taallooyinkii qaranka iyo astaamihii taariikhda ummadda Soomaaliyeed.

”Waxaan ugu baaqayaa dhammaan hay’adaha ay khuseyso inay degdeg ugu dhaqaaqaan fulinta awaamiirtan oo dan u ah shacabka iyo dalkeena intaba.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey warbaahinta Soomaalida doorka wax ku oolka ah ee ay ka qaateen kobcinta afka Soomaaliga waqtigii burburka ilamaa xiligan, iyagoo weliba ku shaqeynayey xaalado aad u adag.