Wararka haatan nasoo gaaraya ayaa waxay sheegayaan in Qarax Xoogan uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Xerada Afisyoone degmada Xamarjajab ee Magaalada Muqdisho, iyadoo sidoo kale la maqlay rasaas aad u xoogan.
Waxaa la arkayaa Uuro madoow oo ka baxaysa halka qaraxa uu ka dhacay, iyadoo ilaa iyo hadda qasaarada aan la xaqiijin karin.
Gaadiidka Gurmadka ayaa ku qul qulaaya halka Qaraxaan uu ka dhacay.