Madaxweyne Geelle “Dastuurka KMG ah inay wax ka qaldan yihiin ayay igula muuqataa, in mar loo fariisto oo la saxo”

0
864

IsmailOmarGeeleMadaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku baaqay in meelaha ay ka qaldan yihiin Dastuurka KMG ee Soomaaliya wax laga bedelo, si meesha looga saaro khilaafka iyo is qab qabsiga madaxda dowladda.

Wareysi uu siiyay Madaxweynaha Jabuuti laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa waxaa uu uga hadlay xaalada Soomaaliya iyo heshiiskii dowladda Jabuuti iyo Mucaaradka Jabuuti, isagoo xusay in heshiiskaas uu qaboojinayo xiisadii taagneyd labadii sano ee u dambeysay.

Mar la weydiiyay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo sanadkii la soo dhaafay oo la magacaabay Ra’iisul Wasaaraha 3aad ayuu tilmaamay in dastuurka inay wax ka qaldan yihiin ay la tahay, isla markaana ay muhiim tahay in la garto in dastuurka wax laga bedelo oo la saxo.

“Dastuurka wax inay ka qaldan yihiin ayay igu muuqataa, mar in loo fariisto oo waqti caadi ah la saxo, si aan mar walba qal qal u gekin siyaasada, wadankana waxba uma tareyso dhibaato ayay keeneysaa, wadanka sumcadiisa ayay xumeyneysaa iyo geedi socodka, in dastuurka uu u baahan yahay in dib loo eego ayay ila tahay”ayuu yiri Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay khilaafka soo noq noqday ee Madaxda dowladda.

Sidoo kale mar la weydiiyo hadal heynta ku saabsan is bedelkii Afhayeenka AMISOM Cali Aadan Xumad ayuu sheegay in waqtiga ka dhamaaday, isla markaana Afhayeen ka socda Kenya loo magacaabi doono, wuxuuna xusay in dalalka ka socda Midowga Afrika ay boosas ku leeyihiin xilalka sare ee AMISOM.

Mar wax laga weydiiyay weerarada Al-Shabaab ka geysanayaan Soomaaliya iyo dalalka deriska ee Kenya ayuu xusay in Al-Shabaab looga adkaatay dagaalkii fool ka foolka ahaa, isla markaana laga qabsaday dhul badan, waxaana uu tilmaamay inay kaliya qaraxyo ku soo koobmeen sida uu yiri.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa sheegay inay la tahay in qarashaadka ugu badan ee lagu bixiyo AMISOM in ciidamada Soomaaliya la siiyo rubuc ka mid ah, si loo tayeeyo, waxaana uu xusay in aragtidaas uu mar hore isagu qabay, isla markaana haatan ay soo dhalaaleyso, maadaama tababaradii Midowga Yurub loo soo raray Soomaaliya.

Jowhar