Maraakiib nuuca dagaalka ah oo soo gaaray Dekadda magaalada Kismaayo

0
1017

MarkabDagaalCiidamada badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay inay si guul leh u galbiyeen markab siday raashin gargaar oo u kiraysnaa barnaamijka cuntada aduunka ee (WFP).

Markabkaan ayaa kasoo shiraacday dekeda magaalada Mombasa ee Kenya, wuxuna si nabad galyo ugusoo xirtay dekeda Kismaayo.

Guddiga dagaalanka burcad-badeeda ayaa sheegay in markab Germany oo ka socday ciidamada badda Midowga Yurub uu si ammaan ah u galbiyay markabka WFP oo gargaar bin’aadamtinimo u siday qaxxootigii dib ugusoo laabtay dalkooda ee ka yimid xeryaha Kenya.

Gargaarkaan ayaa si dhaqso loogu qaybin doonaa dadka Soomaaliyeed ee la ildaran gaajada iyo macluusha.

Hay’ada cunada aduunka WFP ayaa sheegtay inay Soomaaliya geysay in ka badan 100 shixnad oo raashin ah, inkastoo ay sheegtay inaanay heysan wax ka difaaca weerarada burcadbadeeda biyaha Soomaaliya.

Dhowr dowladdood ayaa bixiyay maraakiib dagaal oo loogu talo galay inay galbiyaan maraakiibta gargaarka cuntada tan iyo bishii November ee sanadkii sanadkii 2007. Ilaa waqtigaas kadib majirin markab u raran hay’ada WFP oo lagu weeraray biyaha Soomaaliya.

Balcad