Muqdisho: Qarax ka Dhacay Hoteelka SYL

0
907

QaraxHoteelkaSYLBaabuur laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday albaabka hore ee huteel ku yaalla magaalada Muqdisho oo ay ku sugnaayeen wafdi ka socday dalka Turkiga.

Qaraxan ismiidaaminta ah ayaa ku soo beegmaya iyada oo maalinta beri lagu wado inuu muqdisho yimaado madaxweynaha Turkiga Rajab Dayab Erdoqan

Sarkaal ka tirsan booliska Somalia ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in wafdiga Turkiga ah ay nabad qabaan kuna suganyihiin gudaha huteelka.

Qof goob jooge ah ayaa wakaalada u sheegay in uu arkay laba askari oo boolis ah oo geeriyoday, waxa kale oo uu goobjooguhu tilmaamay inuu arkay maydka qof looga shikisanyahay inuu yahay qofaka isa soo miidaamiyay ee weerarka fuliyay.

Saraakiisha dalka Turkiga ayaa ka sheegay magaalada Anqara in wafdiga Turkiga ahi uu nabad qabo, waxa kale oo ay tilmaameen in booqashada madaxweynaha Turkigu ay sidii loo qorsheyay u dhici doonto.

Madaxweyne Erdoqan ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyay ee aan Afrikaan ahayn ee tagay Somalia sanadkii 2011kii isaga oo xiligaasi ahaa R/Wasaaraha dalkiisa Turkiya.

VOA Somali